Talo ku socota Maamulka Dagmada Gaashaamo.

0
40
Facebook
Twitter
Google+
Pinterest

Talo ku socota Maamulka Dagmada Gaashaamo.

Haddii uu dhab yahey warka sheegaya in calankii Xisbiga ONLF laga dajiyay magaalada Gaashaamo ma aha war wanaagsan oo ka tarjumaya wanaagga iyo ehelnimada dadkeena lagu yaqaanay, marka aan sidaa leeyahay ma ihi taageere Xisbiga ONLF ah balse waxa aan ahay qof ixtiraamaya kala duwanaashiyaha fikirka, ONLF waad kasoo horjeedsan kartaa balse si waafaqsan sharciga, xafiiskeeda innaga oo aan waxba xidhin ayaan kasoo horjeedsan karnaa, midna aan ogaano maanta Xisbiga ONLF ma aha Jabhaddii hore ee duurka ku jirtay ee waa Xisbi ka diiwaan gashan dalka Itoobiya oo xafiisyo ku leh Addis ababa, Diridhaba, Jigjiga iyo badi deegaanka intiisa kale maxaa u diidaya markaa in ONLF ay xafiisyo ka furato Gaashaamo, Daroor, Xarshin, Hartasheekha, Wajaale iyo meelo kalaba oo Deegaanka intiisa kala ka reebaya.

Arrinta kale ee aan rabo in aan ka hadlaa waxa weeyi horta deegaannada aan sare kusoo xusay maxay ku qabeen Xisbigii hore ee SDP la odhan jiray ee hayay talada deegaanka , dulmigii ugu badnaa abid wuxu ku dhacay deegaannadan intii Xisbigaasi meesha joogay marka runta laga hadlo, tusaale ahaan Gaashaamo wali waa sidii uu kaga tagay Xayle Salaase halka dagmooyinkii dhigeeda ahaa ay 4 iyo 5 dagmo oo mid waliba Miisaaniyada iyo mashaariicaha gaar u hesho loo kala jabiyay, halka ay Gaashaamo oo maamusha 140 tuulo ay wali dagmo kaliya tahey!! Hartasheekha oo dagmo iyo ka badan u qalantaa wali waa tuulo lagumana darin 40kii dagmo ee uu magacaabay Cabdi Maxamuud Cumar!!

Gaashaamo iyo deegaannadaa kale maanta Haddii ay calan dajinayaan waxa ay ahayd in dajiyaan calankii Xisbigii hore ee SDP oo Miisaaniyada sanadkan dagmada Gaashaamo u qoondeeyay 71.6 milyan oo bir oo kali ah!!

Hoos ka akhriso Miisaaniyadda sanadkan loo qabtay dagmooyinka gobolka Jarar oo dhan 719 milyan oo birr, halka Maamulka Magaalada Dhagaxbuur loo qabtay sanadkan 209 milyan birr. Miisaaniyaddaha Dagmooyinka loo qabtay ayaa ah sidan hoose.

Dagmada: (Miisaaniyada sanadkan loo qabtay)
๐Ÿ‘‡ ๐Ÿ‘‡
Dagmada Gunagado : 82.09 milyan oo bir
Dagmada Gaashaamo :71.6 milyan oo bir
Dagmada Awaare : 69.2 milyan oo bir
Dagmada Dhagax-Madow : 69.2 milyan bir
Dagmada Dhagaxbuur : 68.7 milyan oo bir
Dagmada Birqod. : 68.7 milyan oo bir
Dagmada Araarso : 64.63 milyan oo bir
Dagmada Daroor : 63.46 milyan oo bir
Dagmada Yoocaale: 59.97 milyan oo bir
Dagmada Dig : 51.23 milyan oo bir
Dagmada Bicilbuur : 50.07 milyan oo bir

Dhinaca Maamulka Magaalada Dhagaxbuur Miisaaniyada sanadkan loo qabtay waa :
Magaalada: (Miisaaniyada)
๐Ÿ‘‡ ๐Ÿ‘‡
MM Dhagaxbuur : b 209.2 milyan oo bir

Haddaba, waxa ay ahayd in maanta arrintan Miisaaniyada iyo dulmiga kale ee deegaankaa ka jira ay ka hadlaan Maamulka dagmada Gaashaamo, balse ma ahayn in ay arrintan maanta lasoo sheegayo ku kacaan oo aan ceeb mooyee wax wanaaga innoo soo jiidayn.

Maamulka dagmada Gaashaamo waxa aan kula talin lahaa in aanay noqon dad lasoo dhex maro oo ragga ka sarreeya ee kursiga ilaashanayaa ay amar aan wax dan ahi ugu jirin bulshada ku amraan fulintiisa sida falkan dalkan oo kale.

Xigasho:: Reserve Area Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here